75,000 Euro, 10 Bilood oo xadhiga ah Maxkamadii Benzema oo maanta soo dhamaatay iyo wararki u danbeeyay.

⚽⚽⚽ 75,000 Euro, 10 Bilood oo xadhiga ah Maxkamadii Benzema oo maanta soo dhamaatay iyo wararki u danbeeyay. 


Waxaa la soo gunaanaday kiis in badan soo jiitamayay kiiskaas oo ahaa dacwadii xidiga reer France Karim Benzema, waxaana uu waajihi doona 10 bilood oo xadhiga, 75,000 kun oo Euro oo ganaaxa ah, sida ay warbaahinta France ku warantay.

Xaakimka ayaa maanta shaaciyay in lasoo afjaray dhagaysiga dacwada, taas oo soo jiitamaysay kiiskeedu tan iyo 2015 oo ay xiliga ay soo baxday fadeexadii Valbuena.

Xukunka ayaa lagu dhawaaqi doona 9aaka subaxnimo ee bisha danbe ee 24 November, markaas oo Benzema uu ogaan doono xukunka lagu riday.

Karim Benzema ayaa ku ducaysan doona inay maxkamadu u xukunto inaanu wax danbiya aanu lahayn, sida uu horeba ugu dooday, lakiin xeer ilaalinta ayaa dalbatay in loogu rido xukun ah 10 bilood iyo 75,000 kun oo Euro oo ganaax ah.

Benzema ma uu tagin maxkamada taas oo ka dhigan inay ku matalayeen qareenadiisa oo ku doodayay in aanu wax danbiya ah gelin, iyagoo dhinaca kalena eedaymo u jeediyay Valbuena.

 

Comments