Liverpool, Man City, Man United oo xidig khad dhexe ah isku haysta, Pogba oo Barcelona loo bandhigay & wararki suuqa kala iibsiga maanta.

 ⚽⚽⚽Liverpool, Man City, Man United oo xidig khad dhexe ah isku haysta, Pogba oo Barcelona loo bandhigay & wararki suuqa kala iibsiga maanta.


 Man City, Liverpool, Man United ayaa dhamaantood bartilmaameed ka dhiganaya xidiga khadka dhexe ee As Monaco ee Aurelien Tchouameni, 21 sano jirkan ayaa lagu qiimeeyay aduun lacageed oo gaadhaya 40 milyan oo pound, sida uu kusoo warinayo wargeeyska wararka aduunka ee (ESPN).

Kylian Mbappe ayaa wax hiishiis cusub ah u saxeexi doonin kooxdiisa reer france ee PSG taas oo ka dhigan da'yarkan uu iska diiday dalab kasta oo uga yimi kooxdiisan uu hada ku suganyahy taas oo micni ahaan loo fahmay inay ka go'antahay ku biiri taanka kooxda reer Spain ee Real Madrid.(AS- in Spanish)

Manchester City ayaa qorshanaysa inay lasoo wareegto xidiga reer Poland ee Robert Lewandowski taas oo badal uga dhiigaysa Raheem Sterling. (Express) 

Paul Pogba wakiilkiisa Mino Raiols ayaa u bandhigay kooxda Barcelona hashiiska xidiigiisa, kaas oo uu dhacayo heshiiskiisa Man United sidoo kale waxaa uu la xiriiray wakiilkani kooxaha kala ah Real Madrid iyo kooxda marwada duqda ah ee Juventus.(ESPN)

Tababrihii hore ee kooxda AS Roma ee Paulo Fonseca ayaa kamida macalimiinta lala xiriirinayo Newcastle United oo la filaayo inay fasaxdo Steve Bruce. (ESPN)

Declan Rice wakiilkiisa ayaa been abuur ku sheegay wararka xisiigiisa la xidhiidhinaya Newcasle United.(90min)




Comments