Mar labaad ayay Liverpool galaafan doonta maclinka kooxda Man United, kaas oo shaqada laga cayrin doono maclin Ole Gunnar Solskjear.
⚽⚽⚽Mar labaad ayay Liverpool galaafan doonta maclinka kooxda Man United, kaas oo shaqada laga cayrin doono maclin Ole Gunnar Solskjear.
Manchester United ayaa shaqada ka caydhin doonta macalinkeeda Ole Gunnar Solskjear ka hor inta aan la gaarin ciyaarta todonbaadka danbe ee Tottenham taas oo uu kooxda hogaamin doono maclin cusub.
48 jirkan ayay shaqadiisu kusoo dhamaatay kulankii Liverpool ee Axaddii sida ay warbaahinta caalamku sheegeen, waxaanu tababre Jurgen Klopp mar kale noqonayaa wadka maclimiinta Manchester isgaoo horena u galaaftay maclin Jose Mourinho oo markii u ka badiyay laga caydhiyay Red Devils.
Bahadiladii ugu xumayd mudo 100 sanadood ka badan ayaa ku dhacday Red Devils, waxaanmay markii ugu horreysay 5-0 kaga badisay Liverpool oo kusoo booqatay Old Trafford.
Sida ay qoreen wargeesyada The Sun iyo MEN, maamulka Manchester United ayaa kulan ka yeelanaya tababre Ole Gunnar Solskjear, waxaanay go'aan ka gaadhi doonaan inay shaqada ka caydhin doonaan todobaadkan.
Labada wargeys ba waxay isku raaceen, in Man United ay ka fiirsanyso inay rido Solskjear kahor inta aan la gaarin ciyaarta Tottenham ee sabtida taas oo hadii laga badiyo ay si dhib ah ugu dhamaan doonto xili ciyaareedkan Red Devils.
Antonio Conte iyo Zidane ayay Manchester United isku dayaysaa inay xidhiidh la yeelato oo midkood hishiis la gaadho maalmaha soo socda ka hor inta aan shaqada laga caydhin Ole.
warka ayaa intaa ku daray in tababaraha cusub uu shaqadiisa ka bilaabi doono ciyaarta Tottenham ee sabtida, kadibna uu kooxda hogaamin doona safarka talayaaniga salaasada ugu tagayaan Atalanta, ka hor inta aanay Manchester City ku soo booqan Old Trafford.
Comments
Post a Comment