Hordhaca kulanka maanta Man-united vs Leicester city. Dhaawacyada Red Devils, xogta kulanka iyo shaxaha macquulka ah.
⚽⚽⚽ Dhaawacyada Red Devil's shaxada macquulka ah, iyo hordhaca kulanka maanta
Man United ayaa ku soo laabanaysa fagaarayaasha horyaalka Premier League iyadoo maanta booqan doonta garoonka King Power ee kooxda Leicester City.
Kooxda reer Egland ee Red Devil's ayaa kusoo jirtay qaab xun kulamadii ugu danbeeyay taas oo guul darro kala kulantay kooxda Aston villa oo ay kaga badisay 1-0, halaka weegii u danbeeyay barbaro kala kulantay kooxda Everton taas oo ka dhigan in Red Devil's ay 4 dhibcood oo muhiima ay dayceen ama lumiyeen.
Cristiano Ronaldo ayaa badbaadiyay xili danbe ciyaarti Champions League ee Villareal kaas oo u dhaliyay goolka guusha wakhti danbe ciyaarta taas oo kadhigan inay wadada guusha ay ku soo noqdeen.
Leicester City ayaa doonaysa inay is muujiso kadib laba weeg oo fasax lagu jiray,waxayna u dagaalami doontaa si ay kaalamaha sare u soo gaari lahayd taas oo kaddhigan in kooxdan ay ku bilaabantay waqti xun horyaalka England Premier League, iyadoo fadhida kaalinta 13aad ee miiska kaala saraynta horyaalka iyagoo haysta 8 dhibcood oo ay ka heleen 7 kulan oo ay ciyaareen.
Xogta Kullanka
Ciyaarta: Leicester City Vs Man United
Wakhtiga: 5PM-Saacada Geeska Afrika
Tartanka: Premier League.
Graoonka: King Power
Yaa ka maqan yaa se u jooga labadan kooxood
Leicester City waxaa ka maqan xidigaha Wesley Fofana, James Justin iyo Wilfried Ndidi oo dhaawac ka ah lakiin waxaa dib ugu soo laabatay Jony Evans oo difaaca dhexe u istaagaya.
Dhinaca Man-United Marcus Rashford ayaa dhaawac uga soo laabtay kaas oo dhawiciisu ahaa qaliin lagaga sameeyay garabka midig, waxaa wali maqan da'yarka Amada Diallo, Raphael Varane, iyo Harry Maguire, taas oo la safi doono dhigooda Eric Bailly, iyo Victor Lindelöf oo daafaca dhexe ka wada ciyaar doona.
Waxaa ciyaarta seegi doona iyaguna Cavani iyo Fred halka ay khadka dhexe xaadir u yihiin Paul Pogba iyo Scott McTominay oo ay khadka dhexe ay kawada ciyaari doonaan.
Comments
Post a Comment