Barcelona oo af libaax ku jirta, Bayern Munich oo xasuuq kale looga baqayo, iyo Chelsea oo cadhaysan, iyo dhacdooyinka caawa la sugaayo.
⚽⚽⚽Barcelona oo af libaax ku jirta, Bayern Munich oo xasuuq kale looga baqayo, iyo Chelsea oo cadhaysan, iyo dhacdooyinka caawa la sugaayo.
Tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayaa kulankiisi sadexaad caawa la ciyaari doonaa waxaana isku arkaya kooxaha kuwada jira hormooyinka E ilaaa H, halka qarkood ay ku jiraan jawi madax xanuuneed kuwa kalena ay ku jiraan jawi wanaagsan.
Chelsea kooxdan reer Egland oo ka cadhaysan guul dardii xanuunka badnayd ee kasoo gaadhay kulankii ugu danbeeyay ee tartankan, taas oo ay kala soo kulmeen kooxda reer Italy ee lagu inaanayso marwada duqda ah waana kooxda juventus e.
chelsea waxay qaabili doontaa caawa kooxda yar ee reer Sweden ee Malmo, taaas oo la filayo inay ku madax degsato kuna fardhiso darsin goolala, lakiin Juventus ayaa iayaduna sii dheraysan doonta hogaaanka hormadan hadii ay caawa garaacdo kooxda Zenit oo ay marti ugu noqonayaanm wadanka ruushka.
Barcelona ayay is macasalaamayn doonaan tartankan hadii aanay wax guula ah ka kenin caawa, waxa ayna qaabili doonaan kooxda Dynamo Kyiv ka dib laba guul daro oo ay lasoo kulmeen, Barcelona wali ma ay helin wax dhibco ah walina ma aysan dhalin wax goolal ah labada kulan ay ciyaartay kulankan, tani waxay ka dhigantahay xili ciyaareedkii ugu xumaa abid ee ku soo mara tartanka Champions League.
Dhinaca kale kooxda Bayern Munich oo xasuuqyo usoo gaysatay Barcelona iyo Dynamo oo ay kasoo dhalisay 3gool iyo 5 gool, isla markaana shabaqeedu nadiif yahay oo aan wali lasoo taaaban ayaa caawa la filayaa inay gumaado oo ay goolal ku tirasto kooxda Banfica, in kastoo ay tahay koox isku duuban.
Comments
Post a Comment