Dhaawacyada Chelsea , Thomas Tuchel oo ka hadlay dhaawacyada Romelu Lukaku, iyo Timo Werner, imassa bilood ayay maqnaan doonaan

 ⚽⚽⚽ Dhaawacyada Chelsea , Thomas Tuchel oo ka hadlay dhaawacyada Romelu Lukaku, iyo Timo Werner, imassa bilood ayay maqnaan doonaan⚽


Tababre Thomas Tuchel oo k war bixiyay dhaawacyada xalay soo gaadhay labada weeryahan ee Timo Werner, iyo Romelu Lukaku, oo laga saaray qaybtii hore ee ciyaarta taas oo ay ku garaceen 4-0 kooxda Malmo.

Laacibka reer Belgium ayaa uu dhaawac ka soo gaadhay kuuraanta, waxaana laga saaray garoonka isagoo ciyaarta sii wadan kari wayay, qaybtii hore ciyaarta ayaa badal lagu saaray, waxaana badal lagu keenay Kai Havertz.

Timo Werner ayaa isagana ciyaarta badal looga saaray isla qaybtii hore ee ciyaarta isagoo booskiisana badal ahaan loogu keenay Callum Hudson-Odoi, waxaanay xaaladiisu u muuqtay mid hallis ah kaaso garaanko looga saaray isagoo garbaha la hayo.

Thomas Tuchel oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu soo dhamaatay ayaa waxa uu yidhi "Lukako waxaa liicday kuraanta Timo na muruqa ayuu ka dhaawcmay sidaa daraadeed maalmo ayay maqnaan doonaan".

waxa kale oo uu tibaaxay in kooxdiisu ay ka wanaagsantahay dhinaca dhaawacyada, " waxaanu taaganahay meel wanaagsan  marka aad eegto ciyaartooyda naga dhaawacn, kaliya Chiristian Pulisic ayaa maqan, lakiin qof walba waanu tabaynaa sababtoo ah waxa nagu soo food leh kulamo badan waana in aanu helno xalno , mana jiro cudur daar."

Labada ciyaartooy ee xalay ka dhaawacmay ayuu sheegay inay ku jireen qaab wanaagsan, balse ay hadana ay helo donaan xalkooda.   

Comments