France oo noqotay xalay kooxda hanatay koobkii UEFA Nations League iyo Spain oo dharbaaxo xoogan kala kulantay.
Xalay waxaa lasoo gababaeyay koobkii UEFA Nations League waxaana hanatay oo gacanta ku dhigay xulka qaranka france kaas oo garaacay da'yarta xulka qaranka spain, iyadoo ay ku garaacaday 2-1.
Tartankan oo mudo dheer lasoo ciyaarayay ayaa xalay lasoo gabagabeyay halkaas finalka koobkan lagu qabatay wadanka italy oo isagu kaalinta sadexaad koobakan ku dhamysatay markuu shalay galinkii danbe ku garaacay dhigiisa belgium.
Daqiiqadii 64aad ayaa ay dabaal deg bilaabeen xulka qaranka spain iyo tageerihiisa ku sugan garoonnka Milano ee Sansiero, halkaas oo ay shabbaqa xulka qaranka france ee uu waardiyaha ka ahaa Hugo Loris, ay kubadi ka dhalatay. halkas ayayna ka bilaabeen reer spain dabaal deg aan wakhti badan qaadan.
Weraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda reer Spain ee karim Benzema ayaa gool aad looga soo shaqeeyay aadna u qurux badan meel fogna kasoo darbeeyay ayaa shabaqa soo tabaatay sidaasana ciyaarti kunoqotay barbaro.
Dhamaadka ciyaarta oo ay ka harsantahay 10 daqiiqo ayaa waxaa shabaqa spain soo taabtay Kylian Mbappe, waana goolka guusha u keenay xulka qaranka france oo saas ku noqday championska koobka.
Comments
Post a Comment