Lacagtii Sucuudiga oo guul darro kala kawstay Premier league, iyo Harry Kane oo abaartii gool dhalinta kaga baxay.

 ⚽⚽⚽Lacagtii Sucuudiga oo guul darro kala kawstay Premier league, iyo Harry Kane oo abaartii gool dhalinta kaga baxay.


laacibka reer England ee Harry Kane ayaa wuxuu ku jiray abaar xagga gool dhalinta, balse waxa uu kaga baxay kooxda uu suucdiga lacagta badan kuu iibsaday ee Newcastle United kaas oo uu ka dhilayay goolkiisi u horeeyay ilaa intuu u socday horyaalka England Premier League.

Newcastle ayaa guul daro kala kulantay Spurs halka ay garoonka ku sugnaayen mulkiilayaasha cusub ee kooxda, waxa iyana meesha ka muuqtay madaxa xayaysiinta kooxda ee Amanda Staveley, iyagoo faraxad kooban ku biloowday qaybtii hore ciyaarta kadib markii daqiiqadii 3aad oo kooxdoodu gool qurux badan u dhaliyay Wilson, hase yeeshee faraxadaasi may ahyn mid lagu sii waaray shan daqiiqo gudahood  waxa laga dhaliyay laba gool.

Ndombele laacibka reer france ayaa goolka barbarha u keenay kooxda Spurs daqiiqadii 17 ee ciyaarta,wax yar ka dibna waxaa shabaqa soo taabatay wareeryahanka xulka qaranka ee Egland kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo uu wadada guusha ku soo celiyay kooxdiisa Spurs.

Son Heung-Min ayaa qybtii danbe ee ciyaarta u sii dheereyay kooxdiisa hogaanka ciyaarta kaas oo goolka sadexaad u dhaliyay kaas oo ciyaarta ka dhigay 3-1 oo ay hogaanka ku hayso kooxda Spurs.

Dhamaadka cityaarta oo ay ka hadhsan tahay sideed daqiiqo ayay Newcastle noqotay 10 ciyaartoy iyadoo kaadhka cas uu ka qaatay Shalvey oo shan daqiiqadood gudahood ku qaatay laba kaadh oo digniin ah.

Eric Deir ayaa iska dhaliyay goal xili kooxdiis ay isku diyaarinaysay  inay ku dabaal degto mulkilayaasha cusub ee kooxda Newcastle   

Comments