Lama filaan Arsene Wenger oo dib u soo laabanaya laaylin doonan koox lama filaana, ciyaarta kowaaadna la dheeli doona kooxda psg
Arsene Wenger oo soo laabanaya, iyo ciyaarta kowaad oo uu la leeyahay PSG
Wenger tababarihii hore ee kooxda reer england ee Arsenal oo shaqada tababarnimo dib ugu soo laabanaya isagoo ciyaarta kowaad ka hortagi doona kooxda reer france ee PSG isagoo ka soo muuqan doona laynka ciyaarta.
Wadanka Sucuudi Arabia ciyaar ka dhici doonta ayuu Wenger soo xidhan doona maaliyada koox lama filaan kugu noqon doonta oo uu laylin doono, iyadoo jamaahirta Arsenal ay gali donaan xasuus ah xiligii guulahooda ee uu macalinkoodani laylin jiray.
2018 ayay ahyd markii uu joojiyay gabi ahaanba shaqadiisi tababarnimo, isagoo laylinayay kooxda Arsenal 22 sanadood. Imtaas wixii ka danbeeyay wenger ma qabanin wax shaqo ah.
Waxa uu bixiyay waraysi kaas uu ku sheegay inuu iska diiday fursado shaqo oo badan oo isugu jira kooxo waawayn oo reer yurub ah.
Wenger ayaa tababre u noqon doona koox ururis ah oo laga soo xulay labada naadi ee Al-Hilal iyo Al-Nasar ee ka dhisan wadanka Sucuudi Arabiya, kuwaas oo la ciyaari doona PSG.
Sanadka danbe ee 2022 ee kooxda laga samayn doono labadan koxood ayuu maamuli doona Wenger, waxayna ka hor tagi doonaan PSG oo ay kula dagaalami donaan ciyaarta koobaka ah Reyadh Season Cup.
Comments
Post a Comment