Manchester United vs Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid Rikoodhada ay kala haystaan, Mohamed salah, iyo Rashford, oo Taariikh cusub qori doona. maxaa laga diwaan galin doona El-Clasico

⚽⚽⚽ Manchester United vs Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid Rikoodhada ay kala haystaan, Mohamed salah, iyo Rashford, oo Taariikh cusub qori doona. maxaa laga diwaan galin doonaa El-Clasico.

 


Kulanka ugu adag horyaalka England Premier League ayaa galabta la ciyaari doonaa waana Man United iyo Liverpool, ciyartan waxay ka dhici doona magaalda Manchester ee gagida ciyaaraha ee Old Trafford kulankoodi kowaad ee xili ciyaareedkan horyaalka iyadoo koox walbaana raadinayso guul ay u baahantahy.

Rikoodhada iyo xaqiiqoyinka kulanka

Man United hal mar oo kaliyaata ayay guulaystay tobankii ciyaarood ee u danbeeyay oo ay Liverpool kulmeen.
Saddex waxaa badisay Liverpool lixda kalena way barbareeyeen, ciyaartoodi ugu danbaysayna waxaa 4-2 ku badisay Man United.
Man united ayaan shabqeedu nadiif ahyn sagaal kulan ay ku ciyaartay gurigeeda waana markii labaad ee ugu dheera ay sidan oo kale ku dhacado Red Deviles.

Liverpool lagama badin dhamaan 18kii ciyarood ee u danbeeyay horyaalka  waxay badiyeen 13 halka ay shanta kalena barbaro galeen, shantii ciyarood ee u danbeeyay waxay dhaliyeen 17 gool.

Marcos Rashford waa ciyaaryahanka labaad ee taariikhada Man United goolashii ugu badnaa ka dhaliyay Liverpool Rooney waxaa uu Liverpool ka dhaliyay lix gool, halka uu Rashford uu ka dhaliyay 4 gool sideed ciyaarood gudahood.

wareeryahanka Liverpool ee Mo Salah ayaa sadex gool ka dhaliyay laba jeer oo uu booqday masraxa riyada ee Old Trafford.

Taariikh ahaan labadan kooxood waxay kulmeen 126 jeer oo horyaalka ah Man United ayaa guulaystay 68 kulan halak Liverpool ay guulaystay 58 kulan


EL-CLASICO


Ciyaarta ugu xiisaha badan aduunka heerka naadiyada kubada cagta ayaa galabta ka qabsoomi doonta gagida ciyaaraha ee Camp Nou, lakiin waa mid ka duwan midkii aad soo arki jirtay 15kii sano ee u danbeeyay, kuwaas oo ay kasoo dhex muuqan jireen sadex haleyeey oo magac kuleh kulankan waana Lionel Messi, Sergio Ramos, iyo Ronaldo.

Laga soo bilaabo ilaa iyo 2005, ugu yaraan mid ka mida sadexdan laacib ayaa ahaa kuwo ka soo dhex muuqda kulan kasta tan iyo wakhtigaas, lakiin markan midkoodna kama tirsna labadan koxood, waxaan hogaamin doona ciyaartooy da,yar u badan oo u diyaarsan in markooda ay qaataan doorka xidigaha baxay.

       

Comments