Maxaa ka dhacay horyaalada yurub oo xalay kulamo badan oo darbi ah la ciyaaray, Messi iyo Neymar oo naftooda halis la galiyay.

⚽⚽⚽⚽ Maxaa ka dhacay horyaalada yurub oo xalay kulamo badan oo darbi ah la ciyaaray, Messi iyo Neymar oo naftooda halis la galiyay.

 Juventus iyo Inter Milan, ayaa kulankoodi u horeeyay horyaalka xalay wada ciyaaray iyagoo barbardhac 1-1 galay, Paulo Dybala oo bedel kusoo galay ciyaarta ayaa daqiiqadii 89 aad rigoore u dhaliyay Juventus, taas oo ka dhigtay inay barbaro la gasho Inter Milan isla markaana kusii dhawaato afrta kaalmood ee ugu sareeya. Tababraha kooxda Inter Milan ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii uu muran ka keenay roogadhadii lagu dhigay.

Napoli ayaa goor sii horeyasay barbaro goolal la'aana la gashay kooxda ay xifaaltamaan ee As Roma oo ku jirta kaalinta afraad iyagoo kaalinta kowaad ee horyaalka Serie A kala wareegay kooxda Ac  Milan.

Dhan ka kale hooryaalka France waxaa barbardhac ay ku soo dhamaatay ciyaar xamaasad badan oo u dhaxaysay labada kooxood ee Marseille iyo PSG, VAR ayaa gaadhay go,aamo muran badan ka dhex dhaliyay labada kooxood, ciyaarta dhowr jeer ayaa la hakiyay sababo la xiriira rabshado ay ku kaceen taageerayaasha.

Laba jeer ayaa la hakiyay ciyaarta kadib markii ay dhalooyin ku soo tureen tageerayaashu Neymar oo koorne soo tuuranaya, labada jeerba shaqaalaha amaanku waxay isticmaaleen gashaamo caag ah si ay u horjogsadaan dhalooyinka inta koornaha la soo tuurayo. 


Qof ayaa isna garoonka soo galay isgoo dhabarka gacanta ka saaray Lionel Messi qaybtii labaad ee ciyaarta.

Labada kooxdba waxaa goolal ka diiday muqaal caawiyaha garsooraha (VAR) PSG ayaana casaan laga siiyay dafaceeda Achraf Hakimi.

PSG oo aan laga badin 11 kulan oo horyaalka ah, ayaa xili ciyaareedkan  7 dhibcood ka sareeysa Lens oo kaalinta labaad ku jirta.       

Dhanka kale Real Sociedad ayaa ku laabatay horyaalka La Liga inkastoo ay iska qasariyeen laba gool ay ku hogaaminayeen Atletico Madrid. Real ayaa ugu danbaysay hanashada horyaalka sanadkii 1982dii. 

2-0 ayay ciyaarta ku hogaamisay Real Sociedad qaybta koowaad ee ciyaarta, Lakiin Suarez ayaa gool usoo celiyay Atletico markii uu koroos madax kaga faa'ideeyay, Suarez ayaa hadana barbardhac ciyaarta ka dhigay ka dib markii rigoore loo dhigay qalad uu kala kulmay Mikel Merino. 

Barcelona ayaa gurigeeda lagu soo jiidjiday iyadoo ay 2-1 looga soo adkaaday kooxda reer katalooniya ee Barcelona, Real Madrid oo ay la ciyaaraysay ayaa qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka qabatay iyado isla qaybtii danbena hogaanka sii dheeraysatay, wakhti danbe ayay goolka la timi Barcelona, weraryahanka reer Argentina ee Kun Aguero ayaa goolka u dhaliyay Barcelona.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa si xun loogu bahdilay gurigeeda taas oo looga badiyay 5-0, weeraryahanka reer Masar ee Mo Salah ayaa sadexlaay shabaqa u dhafiyay goolhaye David Dagea, Reds ayaa xasuuqoodi ugu horeeyay xili ciyaareedkan u gaystay kooxda ay sida xun u xifaaltamaan ee Man united. 

Comments