Militao oo liiska dhaawacyada galay ka hor kulanka Barcelona iyo Real Madrid oo xaaladu ku xumaatay.
Kooxda Baqortooyada reer spain ee Real madrid ayaa xaaladu ku xumaatay kadib markii uu liiska dhaawacyada u gallay xidig kale oo aad ugu miihim ahaa ka hor kulanka El Clasico ee Barcelona.
Real Madrid oo xaaladu ku xuntahay ka dib markii liiska ciyaartooyda dhaawaca ay kusiii kordheen oo uu ku biiray daafaca dhexe ee reer Brazil ee Militao kaas uu ku maqnaa xulka qarankiisa brazil isagoo dib uga soo laabtay magaalda madrid.
Ciyaartii dhex martay labada xul ee Brazil iyo Colombia ayaa bedel looga saaray Eder Militao kadib markii uu sii wadan kari wayay ciyaarta iyadoo muruqa lugta midig uu dhaawac kasoo gaadhay, isagoo hada lagu dabiibayo magaalada Madrid oo uu dib ugu soo laabtay.
Laacibkan ayaa shaki ku wayn ku jiraa kulanka Champions League ee ay Shakhtar la leeyihiin todoobkaa soo socda, iyo ciyarta El Clasico ee todobaadka xiga la ciyaryaan kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Barcelona.
Comments
Post a Comment