Rikoodh ceeb iyo fadeexad ku ah Liverpool oo ay ka haysato Atletico, iyo dagaalka Klopp & simeone ee caawa.
⚽⚽⚽ Rikoodh ceeb iyo fadeexad ku ah Liverpool oo ay ka haysato Atletico, iyo dagaalka Klopp & simeone ee caawa.
Wadanka Spain ayay Liverpool tagtay iyadoo ciyaaraysa kulankii sadexaad ee champions league, waxaana ku soo dhawaynaya kooxda reer Spain ee Atletico oo ahyd kooxdii xili ciyaardkii 2019-20 ka cidhib tirtay Champions League.
Labdan koxood ayaa kawada tirsan Group B, waxaana hogaaminaya Liverpool oo labadii ciyarood ee ay ciyaartay guulo ka soo hooysay iyadoo ku hogaaminaysa 6 dhibcood groupka, halka Atletico ay afar dhibocood haysto.
Rikoodhada iyo xaqiiqoyinka muhiimka
*Liverpool iyo Atletico Madrid ayaa markii ugu danbaysay ku kulmay wareega 16ka ee Champions League xili ciyaardkii 2019-20, halka labadii ciyaaroodba ay guulaysatay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid. Lugtii hore oo lagu qabtay garoonka kooxda reer Spain ee caawa lagu ciyaarayo waxaa 1-0 ku soo adkaatay Atletico Madrid oo marti loo ahaa, halka lugtii labaad oo lagu ciyaarayay garoonka Anfield 3-2 ay guushu ku raacday kooxda reer Spain ee Atletico.
*Liverpool afartii ciyaarood ee u danbeeyay ee ay kooxda reer Spain la ciyaarto wax guula kamay gaadhin, halka labo laga badiyaay labada kalena ay barbaro gashay, waana rikoodh tariikheed xun ay haysto Reds.
*Taariikh kaloo xun ayay Liverpool ka haysataa wadanka Spain taas oo ah inay 7da jeer oo ay tagtay wadanka Spain oo ay kusoo ciyaartay 6jeer guul daro kala soo labaatay halka ay ugu danbaysay inay guul kala soo laabto xili ciyaardkii 2008-09 oo ay Real Madrid kusoo garaacaday wareega 16ka.
Comments
Post a Comment