Ronaldo oo sadaxley xalay xulkiisa u dhaliyay, Egland oo loo diiday inay u gudbaan koobka aduunka

⚽⚽ England oo loo diiday inay iska xaadiryaan koobka aduunka, ronaldo oo wacdaro muujiyay isagoo sadaxley u xaqiijayay xulkiisa.

Egland ayaa laga hor joogsaday fursad wayn oo ay u gudbi lahayeen inay iska xaadiriyaan koobka aduunka 2022, kadib barbaro liita oo ay kala kulmeen dhiigooda Hungry kulan adag oo tageerayaashuna garoonka rabshad ka sameeyeen.


Kulankan ayay Egland u bahnaayd inay guulaystaan si ay u noqdaan wadanka labaad ee yurub ah ee u soo baxa koobka aduunka, hase yeeshe xulka qaranka Hungry ayaa u diiday  iyagoo daqiiqadii 24aad gool rikoodhe ah kala hormartay kaas uu uu dhaliyay laacibka lagu magacaabo Sallai, hassa yeeshe waxaa goolka barbarha u keenay xulka qaranka england John Stones isla qaybta hore ciyaarta taas uu kusoo dhamaatay barbaro 1-1.

Egland ayay u ahyd lugtoodi labaad ee isreebreebka koobka aduunka 2022 qatar, iyagoo iska lumiyay dhibco muhiim u ahaa, lakiin waxay haystaan fursad dahabi ah oo ay oo ay ciyaartooda ugu soo horaysa ugu gudbi doonaan koobka aduunka.

Xulka qarankla Portugal ayaa 5-0 ku xasuuqay xulka qaranka Luxembourg iyadoo ciyaryahanka ronaldo sadexlay shabaqa soo taabsiiyay.


Cristiano Ronaldo xidiga xulka qaranka Portugal ayaa laba rikoodhe ku furtay ciyaarta waxaana laba kale raaciyay Bruno, iyo Palhinha, halka markale ronaldo kusoo laabtay gool dhalinta oo uu goolkiisa sadexaad xaqiijistay.   

Comments