France oo garaacday xulka qaranka Belgium, kana cidhib tirtay koobkii

 Faransiiska oo is mucjisaha uga adkaaday xulka qaranka Belgium, kuwaas uu usoo gudbay finalka cupka nations league taas oo ay ugu tagayaan xulka qaranka spain 

xulka qaranka faransiiska aya u gudbay finalka ama kama danbaysta koobka nations league kuwaas oo ay kaga adakadeen dhigooda Belgium, Belgium yaa horaantii ciyaarta ku furtay laba goal oo ay u kala dhaliyeen Carrasco iyo lukaku taas oo uu cawinteeda lahaa xidiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee  Kevin de Bruyne.


Faransiiska  ayaa ka daba keenay labada goal ee barbardhaca wakhti danbe ciyaarta, taas ka dhigtay in labada koxood aya is la aadan wakhtiga dheeriga ciyaarta taas oo u samaaxday in france ay gaolka guusha la timaado wakhti daayicii lagu daray.

Lacibka reer france ee Theo Hernandez ayaa wakhtigii danbe ee ciyaarta u goamiyay inuu guusha xulkiisa gacanta ka saaro  kaas oo ciyaarta kusoo gab gabeeyay inay kooxdiisu u gudubto  finalaha.

Belgium ayaa ahayd mid xoogan daqiidiihi hore ciyaarta iyadoo lasoo gashay dardar xoogan taas oo ka dhigaysay inay ciyaarta xili hore hogaanka u qabato.

Carrasco ayaa daqiiqadii 37aad xulka qarankiisa hogaanka u dhiibay isagoo shabaqa soo taabatay kubad uu ka helay lacibka khadka dhexe ee de Bruyne.


Kevin de Bruyne  ayaa  daqiiqadii 40aad ku bad uu ka dhex saaray difaacyda reer Belgium, waxaa dhinaca midig kala soo galay Lukaku oo meel aad u cidhiidh oo uu goolhaye Loris aanu filanayn ka dhaliyay.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa wax kasta si kadisa isku badleen iyadoo ay meesha ka baxday dabaal deegii reer Belgium.

Waxaa goalsha barbardhaca keensatay xulka qaranka france taas oo ciyaarta ka dhigtay laba iyo laba , lakiin wakhtigii u danbaeeyay ciyaarta waxaa goal la timo xulka Belgium  taas oo ka dhigtay natiijada sadex iyo laba, hase ahaate garsooraha oo ka diiday goolka iyadoo loo soo eegay varta ayaa ciyaarta dib ugu soo celiyay laba iyo laba.

 



Comments

Post a Comment