Barcelona vs Benfica Xavi 00 Imtixaan Adag La Maraya Kooxdiisa, Shaxda Uu Ku Dagaallamayo & Fursadda Ay Haystaan
⚽⚽⚽⚽⚽Barcelona vs Benfica Xavi 00 Imtixaan Adag La Maraya Kooxdiisa, Shaxda Uu Ku Dagaallamayo & Fursadda Ay Haystaan
Barcelona ayaa iska xaadirin doonta wareegga 16ka haddii ay guul ka keento kulanka caawa ay ku qaabbilayso Benfica, taas oo ay doonayso inay kaga aargoosato Camp Nou kaddib markii ay kooxda reer Portugal si xun usoo garaacday kulankii hore.
Laakiin haddii laga badiyo oo ay guushu raacdo Benfica, Barcelona ayay halis geli doontaa fursadda ay ugu soo baxayso wareegga xiga sababtoo ah waxay kulanka dambe la ballansan tahay Bayern Munich oo ay ugu tegayso magaalada Munich, halka Benfica ay qaabbili doonto Dynamo Kiev.
Xavi Hernandez ayay u tahay ciyaartiisii koowaad ee Champions League ah ee uu hoggaamiyo Barcelona, waxaana laga sugayaa inuu kooxdiisa u xaqiijiyo in aanay gelin xilli ciyaareed fadeexad ah, sababtoo ah lama aqbali karayo inay ka hadhaan tartanka iyagoon u gudbin wareegga 16ka.
Barca waxay haysataa lix dhibcood iyadoo fadhida kaalinta labaad ee Group E, halka Benfica ay leedahay afar dhibcood, balse Bayern Munich ayaa dhamaan kulamadeedii badisay oo kaalinta koowaad kusoo baxday waqti horeba, iyadoo haysata 12 dhibcood.
Barcelona ayay saddex ciyaartoy ka dhaawacmeen kulankii Espanyol ee Sabtidii iydoo ay waxyeello soo gaadhay Nico Gonzales, Oscar Mingueza iyo Sergio Busquets, hase yeeshee Xavi ayaa kalsooni ku qaba in ay dhamaantood soo kabanayaan oo ay diyaar u noqonayaan ciyaarta caawa
Sergio Aguero ayaa laga baqayaa inuu gebi ahaanba kafadhiisto ciyaaraha iyadoo uu ku soo boodhay wadne xanuun, hase yeeshee Martin Braithwaite, Pedri, Ansu Fati iyo Ousmane Dembele ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan. Sergino Dest ayaa dib ugu soo ugu soo laabtay garoomada.
Dhinaca Benfica waxa dhaawacyo uga soo noqday Valentino Lazaro iyo Andre Almeida laakiin Lucas Verissimo ayaan qayb ka noqon doonin kulankan.
Laacibka khadka dhexe ee Joao Mario ayaa isaguna la halgamaya dhaawac, kaliyana kusoo laabtay tababarka maalmihii ugu dambeeyey, taas oo ka dhigan in aan la hubin inuu ciyaari doono.
Roman Yaremchuk iyo Pizzi ayay u badan tahay inay afka hore ka wada ciyaaraan, halka Odysseas Vlachodimos uu isaguna kusoo laaban doono goolkiisa.
Comments
Post a Comment